telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Gudomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Kulan Xog Waraysi iyo Is Barasho Ah La Yeeshay Shaqaalaha Xarunta Hay’adda Shaqalaha Dawladda.

Gudomiyaha Hay’adda Shaqaalaha  Dawladda JSL Oo Kulan Xog Waraysi iyo Is Barasho Ah La Yeeshay Shaqaalaha  Xarunta Hay’adda Shaqalaha Dawladda.

 

Axad()-14-04-2019- Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa Kulankiisii is barasho ee ugu horeeyay la qaatay Shaqaalaha xarunta Hayada Shaqaalaha Dawlada ee Hargeysa. Isbarasho ka dib, Agaasimaha Guud ee Hayada shaqaalaha Mudane Maxamuud Ismaacil Cilmi Deeq ayaa ku soo dhoweeyay gudoomiyaha shirka shaqaalaha isagoo ku bilaabay “Waxa  maanta sharaf noo ah in kulankaagii ugu horeeyay adiga iyo shaqaalaha  aynu maanta halkan ku yeelanayno. Kulankani waa isbarasho iyo in gudoomiyuhu  iyo shaqaalahu iska xog waraystaan hawsha Hayada iyo sidoo kale kaalinta qof kastoo shaqaale ahi kaga aadan yahay shaqada Hayada.  Agaasimaha Guud Ka dib, waxaan halkaas ka hadlay xubno ka mid ah shaqaalaha xarunta Hay’adda  shaqaalaha Dawlada.  Xubnaha Madax-waaxeedyada halkaas ka hadlay, ayaa Gudoomiyaha Warbixin dheer ka siiyay guud ahaan xogta waaxaha kala duwan  iyo xafiisyada kale ee Hay’adda shaqooyinka ay qabtaan iyo qorshaha u yaalla”.

 

Ugu Dambayn, Waxa Gudoomiyaha Hayada shaqaalaha ee dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe u sheegay shaqaalaha  in uu uga mahad celinayo in ay shirk isugu yimaadaan iyo sidii fiicnayd ee ay warbixinta u bixiyeen.

 

“Sidii aan khudabadaydii xil wareejinta ku sheegay waxa waajib ah in aan darso sidoo kalena  si qoto heer u helo warbixintiina si ay u suurta gasho in aan  samayno qorshe cad ( strategy) ku aadan  tayaynta  shaqada Hayada si ay u suurta gasho isla jaanqaad iyo midho dhal-hawleed. Waxa aynu u nahay shaqaalaha guud ee dawlada tusaale, sababtuna waxa weeye inagaa masuuliyadu inala jirtaa sidii aynu tayaynta aqoontooda, daryeelkooda iyo weliba xaqsiintooda loogu dadaalo, taas ayaana inagu waajibinaysa in aynu inagu diyaarino siyaasado iyo  qorshayaal yoolkaa lagu gaadho. Waxa aynu wax ka beddel balaadhan oo casriyayn ah ku samayn doonaa qaabdhismeedka  Hay’adda ee gudaha  inagoo waafajin doona soo jeedintii iyo talooyinkii khubarada inaga caawinaysa hawshaas una baahan in degdeg loo fuliyo. Waan hubaa inaad tihiin dad naftood hurayaal ah waqti iyo dadaal badana ku bixiyay hawlaha wixii qabsoomay oo ku  amaanan tihiin  laakiin waa in aynaan is dhigan waayo nidaamka shaqo  hadii aynu inagu gaabis noqono qaranka ayaynu kala gaabinay hiraalkiisii.  Waxa  anigana ila gudboon in aan habmaamul iyo hogaamin  dhamaystiran oo leh hiraal aan idinku hago idinkana waxa waajib ah in  qof kastaa u diyaar garoobo shaqo wax ka tagta oo aan nasasho lahayn. Dhamaanteen iyo  dhamaan shaqaalaha hay’adaha dawlada ee kala duwan guud ahaan waxa inagu waajib ah in sharciga iyo xeerarka siyaasadeed ee imika gacanta lagu hayo ansixintooda ka dib Golaha wasiirada iyo madaxwaynuhu markay inala aqbalaan ay noqdaan kuwo shaqeeya oo marjac ah   oo beddela xukunkii iyo xaqsoorkii shaqaalaha ee hore si taasi niyad iyo dhiirasho  shaqo u siiso shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hayadaha madaxa banaan ee Dawlada.

 

Shakhsiyan waxaa iga go’an inagoo ka faaiidaysanayna  gacansiinta  Bangiga Aduunka iyo Xukuumadaba ay nidaamka shaqaale ee qarankani noqdo mid heerka ugu sareeya ee aduunku maanta ku shaqeeyo la jaanqaada, waxayse  taasi rumoobaysaa marka aynu inagu isu diyaarino hawshaas aqoon ahaan, qalab ahaan iyo farsamo ahaan.  kulankani mid guud ayuu ahaa, waxaan samayn doonaa kulan waaxeedyo  ay waax waliba qorshe hawleedkeeda ku soo bandhigto si aynu Shanta sannadood ee soo socda qorshe  dhamaystiran ugu samayno oo aanay noqon wax mala awaal ah. Agaasimaha guud ayaana idin soo wargelin insha allah waana mahadsan tihiin” ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

 

Shaqaalaha ayaa iyaguna dhankooda ka balan qaaday in ay dadaalkooda labanlaabayaan si wanaagsana ula shaqaynayaan guddoomiyaha cusub.