telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Waa Kuma CUMAR AL-BASHIIR Maxaa U Xigi Doona Shacabka SUDAN Cumar Dabadii

Waa Kuma CUMAR AL-BASHIIR Maxaa U Xigi Doona Shacabka SUDAN Cumar Dabadii

 

Omar Hassan Ahmad al-Bashir waxa uu ku dhashay Hosh Bannaga, Sudan, oo dhacda dhul ahaan dhinaca Waqooyi, waxaana uu dhashay taariikhdu markay ahayd 1 January, 1944 (Hadda waa 75 Sanno jir), isagoo ka dhashay qoys Beeralay ahaa,

 

Waxaana  uu ka mid ahaa Militery-gii 1989-kii Xukunka ka tuuray xukuumadi wakhtigaa oo ahayd mid la doortay, waxaana uu gacan saar la yeeshay hogaamiyihii Islamiga ahaa ee Hasan al-Turabi, oo markii dambe si wada jira ay ugu guulaysteen inay Sudan ka dhigaan Dawlad Islamic ah sannadkii 1991,

 

Sannadkii 1993 ayaa si rasmiya looga dhigay Madaxwaynaha Dalka Sudan ka dib afar sanno oo dalkaasi uu ku jiray xaalad kala guur iyo maamulka oo gacanta ugu jiray Al Bashir iyo military-ga dalka qabsaday sannadkii 1989,

 

Al Bashiir waxa uu Sudan soo xukumayay Soddon sanno oo buuxa waxaana lagu xasuustaa khlilaafkii iyo dagaaladii ka dhashay soo saarista saliida ee dalkaas sannadkii 1998 – 2005-tii, taas oo aakhirkii ka dhigtay Dal waynihii Sudan mid u kala Go’a laba dal oo kala ah South Sudan oo la aqoonsaday sannadkii 2011-kii iyo Sudan inteedii kale oo dawlad ah,

 

Tan iyo intii ay bilaabantay kacdoonkii shacab ee ka dhacay baddi dalalkii Carbeed ee Waqooyiga Africa waxa Sudan ka bilaabmay dhawr jeer oo la dhigay banaan bax lagaga soo horjeedo xukunkiisa adage e ku dhisan Militery-ga muddada dheer soo xukumayay, balse waxa uu u guulaysan waayay cimilada dalkan oo ah mid aad u kulul maadama ay kaabiga ku hayaan Saxaraha Africa,

 

Kacdoonka dhawrkii bilood ee u dambeeyay ka dhacayay dalka Sudan ayaa ka dhashay sixirka Roodhida oo uu kor u kac ku yimid, taas oo aakhirkii galaafatay xukunkii adkaa ee Madaxwayne Al Bashiir-ka Sudan,

 

Haddiiba xukunka uu Al Bashir ku wareejiyo si nabada waxay guul u noqonaysaa dal iyo dadba shacabka reer Sudan, maadama uu dalkani muddo dheer kusoo jiray xaalado dagaal oo is xigxigay

 

Maxay  uga dhigantahay talaabadan uu shacabka Sudan xukunka kaga tuuray Madaxwaynahoodii hore dalalka kale ee wali ku jira gacanta Kali-talisnimada oo wali haya xukunka dalal badan oo Africa iyo Caraba leh

 

Haddaba waxa xusid mudan dhawr suaalood oois waydiin mudan

1: Xagge ayay u dhaqaaqi doontaa Sudan Al Bashir dabadii?

2: Miyay ka raysan mise way u darsan Al Bashir xukunkiisi dadka reer Sudan?

3: Maxay ka baran karaan shacabka dalalka kale ee wali gacanta ugu jira kali taliyayaasha maadama shacabku muddooyinkii u dambeeyay Go’aaminayeen tallada Dalalkooda?

4: Yaa ku xiggi doona Al-Bashir oo isna laga sadqayn doonaa xukunka ?

5: Maxaa Caqabado ah ee hor iman doona maamulka dambe ee dalkaasi Yeelan doono ?

 

Su’aalo loo baahan yahay in Jawaabahooda aynu ku salayno aragti dheer iyo fal celin ku haboon

 

Maxay  uga dhigantahay talaabadan uu shacabka Sudan xukunka kaga tuuray Madaxwaynahoodii hore dalalka kale ee wali ku jira gacanta Kali-talisnimada oo wali haya xukunka dalal badan oo Africa iyo Caraba leh