telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Musuq-Maasuq Laguma Hayee Waa Magac Ka Dilis Siyaasi MUUSE RAABI Oo Dhaliilay Xadhiga Masuuliyiinta

Musuq-Maasuq Laguma Hayee Waa Magac Ka Dilis Siyaasi MUUSE RAABI Oo Dhaliilay Xadhiga Masuuliyiinta

MUSUQ MAAHEE WAA MAGAC DIL !

Siyaasi MUUSE RAABI Ayaa Si Cad U Sheegay In Dowladninadii Ay Dishay Xukuumadani Isagoo Bartiisa Facebook Kaga Waramay Ujeedka Xadhiga Masuuliyiinta Isku Beesha Ah Ee Aan Qaranka Danbi Ka Gelin Isagoo Midhkaas Ka Hadlayana Wuxuu Yidhi

Dawladnimadii xukuumadan bay eeday , qof baa loo daadanayaa, la xidhayaa ,wax wayn oo lafo jab ah ayaa lagu eedaynayaa haddana si fudud baa laysaga soo daynayaa.ujeedadu ma bahdilaad baa? sumcad dil baa? Ma indho-sarcaad baa ? Waan ogaa inaan hawshani musuq la dagaalan ahay waayo raggii musuqmaasuqa caanka ku noqdey lama agmarin.

Arintani waxay u eegtahay magac dil iyo xiniinyo ka saarid dadka qaar loola jeedo si kaadhka looga gubo.haddii hawshan aanay xukuumadu ka waantoobin waxaa iman doontaa in jeelasha lagala baxo ragga sida dibjirta loo xidhayo ama kuwo soo xidhay ee hantidhowrku ugu horeeyo iyaga laftigooda la qafaasho ama buuraha lala  aado.

Waddanka jabhadaa ka jira oo way fududahay fawdadu hadday xukuumadu sharciga raaci waydo.

Bahdilaad danbe yaan la yeelin, cidii bahdilaad u xidhan oo inanka reer Awdal u horeeyaana waa in imika la sii daayo sida agaasimahaba loo sii daayay.

 

Ma didee hargooloow haygu tumin durbaanada iyo daasadaha madhan “Ibrahim wardame”.