telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xadhiga Agaasimihii Warfaafinta Ee Hanti Dhawraha Qaranka Iyo Xadhigii Maareeyihii Hore Madbacada Qaranka Maxaa Mataaneeyey

Xadhiga Agaasimihii Warfaafinta Ee Hanti Dhawraha Qaranka Iyo Xadhigii Maareeyihii Hore Madbacada Qaranka Maxaa Mataaneeyey

Waxaynu Wada Ogsoonahay In Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Warfaafinta SOMALILAND CISMAAN XUSEEN WARSAME Uu Madaxweynaha U Gudbiyey Waraaqda Iscasilaadiisa Sidaasna Uu Madaxweynuhu Kaga Aqbalay Iscasilaadiisa Sababo La Xidhiidha Caafimaad Daro Soo Wajahday

Sidaa Awgeedna Masuulkii Sida Sharafta Leh Xilkii Uu Hayey Uga Fadhiistay Ayaa Maanta Xabsiga Loo Taxaabay Iyadoo Lagusoo Eedeeyey Inuu Lunsaday Hanti Qaran

Waxaa Jirtay Dhawaan In Hanti Dhawraha Qaranku Uu Xabsiga Dhigay Maareeyihii Hore Ee Madbacada Qaran Islamarkaana Lagusoo Eedeeyey Inuu Hanti Qaran Lunsaday Baadhitaan Ka Dibna Uu Xoriyadiisii Dib U Helay Iyadoo La Sheegay In Lagu Gefay Oo Lagu Waayey Kiiskii Loo Xidhay

Hadaba Hanti Dhawraha Qaranku Iyadoo La Wada Ogsoon Yahay Inuu Gef Cad Ka Galay Maareeyihii Hore Ee Madbacada Qaranka SICIID SAALAX SHIRE Ayuu Maanta Sidaas Si Lamid Ah Sabab La’aan Usoo Xidhay Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta Cismaan Xuseen Warsame Oo Ay Hayb Wadaag Yihiin Maareeye Siciid Saalax Shire