telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xogo Dahsoon Oo Daaha Laga Faydey Iyo Qalinkii Aqoon-yahan SAXAFI ABDIQAADIR AXMED XASAN ODAY+Halkan Kaga Bogo…

Xogo Dahsoon Oo Daaha Laga Faydey Iyo Qalinkii Aqoon-yahan SAXAFI ABDIQAADIR AXMED XASAN ODAY+Halkan Kaga Bogo…

DAAHFDURKA XAQIIQADA GOBOLKA SANAAG 1913- 2018
Prepared by Abdikadir Ahmed Hassan Oday
Teacher, Activist, Writer and Independent Free Journalist

Hordhac

Waxaan qalinka u qaatay in aan daaha ka faydo xogo qarsoon iyo macluumaad farabadan oo khuseeya gobolka Sanaag kuwaas oo isugu jira laba qaybood oo kala ah:

1. Dhibaatooyin culus oo dadka reer Sanaag si gaar ah ugu habsaday bilowgii qarnigii 20aad ee lasoo dhaafay oo kasoo gaadhay dagaaladii u dhexeeyey Dawladii Ingiriiska ee Somaliland xiligaa xukumaysey iyo dhinicii daraawiishta ee uu hogaaminayay Maxamed Cabdule Xasan. Waxana sida la ogyahay akhristayaal dawlada Ingiriisku ka baaqsatay in ay ka hortagto weeraradii bahalnimada ahaa ee reer Sanaag kaga imanayey dhinaca daraawiishta halka ay ka daafacday dadyowgii kale ee hoos imanayey maxmiyadii Somaliland (Somaliland protectorate) arintan oo ilaa xiligan aanay dawlada Ingiriisku wax magdhow ah ka siin shacabkeedii xasuuqaasi loo geystay isla markaana aanay jirin cid ka hadashay arintan.

2. Dibudhaca gobolka Sanaag ee dhinacyada horumarka, siyaasada iyo bulshada oo aan doonayo in aan si weyn ugu iftiimiyo kaalinta ay reer Sanaag kaga jireen taariikhda, gaar ahaan halka ay ka istaageen iyo siday uga qayb qaateen waxyaabaha wadaaga ah ee ka dhexeeyey bulshaweynta reer Somaliland, haday tahay dhinaca xarakaadkii halgankii gumaysidiidka gaalada iyo halgankii SNM ee dibu ula soo noqoshada madaxbaanidaba Somaliland iyo xaalada hada uu ku jiro gobolka Sanaag.

Ujeedada ka danbaysa soo saarista warbixintan ayaa ka dhalatay kadib markii la waayey maxfal, buug ama rug laga wada akhrisan karo taariikh saxan oo ku binaysan cadaalad, xaqiiq, sinaan iyo dhexdhexaadnimo gaar ahaan marka laga hadlayo degaanada kala duwan ee Somaliland iyadoo aad arkayso dulmiga dhinaca taariikhda ah ee laga galay gobolka Sanaag dadkiisa, waxqabadkooda, xadaaradooda, baaxadiisa, khayraadkiisa iyo weliba waxqaybsiga dhaqaalaha iyo siyaasada.
Mihnadayda suxufinimo iyo macalinimo iyo mudo dheer oo aan kusoo dhexjirey shaqada arimaha bulshada (social worker) intaaba waxan baadhayey in aan wax ka ogaado sababaha keenay dibudhaca ka muuqda gobolka sanaag oo runtii ay ka dhasheen dadka ugu aqoonta badan Somaliland laakiinse sida la ogyahay ku fashilmay horumarinta gobolkooda iyo gudbinta warkiisa
Beryahan danbe waxaad moodaa inuu sii lumayo maqaamkii uu lahaa gobolka Sanaag. Gaar ahaan beesha reer Sheekh Izaxaaq ee gobolka Sanaag. Waxana aynu daawanaynaa iyadoo bulshada ama qofka reer Sanaag marka la tilmaamayo degaankiisa, aan la soo hadal qaadin gobolka Sanaag balse dhalasho ahaan dabada loo gelinayo gobolo kale oo ay degan yihiin dad ay isku isir yihiin sida galbeedka iyo bariga Burco. Reer Sanaag waa ka raali arintaas.

Tusaale ahaan waxa inoogu filan erayo warbaahinteena bilaa aqoonta ahi ay halhays ka dhigteen marka ay tilmaamayaan shaqsi ama koox reer Sanaag ah oo ay adeegsadaan juquraafiyad khaldan sida beesha galbeedka Burco ama Bariga Burco. Ogow cida laga hadlayaa waa reer Sanaag metelan.

Halkaa waxaa ku lumaya gobolnimadii, taariikhdii iyo karaamadii degaanka, waana aragti daciif ah in dadkaa reer Sanaag lagu sheego galbeedka iyo bariga Burco.

Dadka reer Sanaag iyagu ma fahamsana intooda badani siyaasada galbeedka Somaliland ee huwan shaadhadhka qabiilaysan si loo kala qaybiyo dadkooda
Fahan daaye waxaba jirta in aqalka guurtida HYB ee magaalada Ceerigaabo boodhkiisa lagu qoray Oodweyne, taasoo ku tusaysa sida aan loo aaminsanayn gobolka Sanaag, iyada oo aan qofna isirkiisa laga qaadayn.

Sidoo kale dhamaanba beelaha reer Sanaag ee kalena ayaa ka siman arintan daba dhilifnimada lagu daba faylayo umado gobolo fogfog dega iyadoo hayb ahaan lagu tixgelinayo.
Gobolka Sanaag oo u dhigma bed ahaan afar ama sadex gobol oo galbeedka ah ayaa waxaa laga aaminsan yahay in tirada dadkiisu aad u yartahay taasoo keentay in saamiga kuraasta golayaasha iyo xukuumada dhexeba aan qiime badan laga siin

Majirto cid ku samaysay tiro koob sax ah gobolada Somaliland iyo dadkooda laakiinse waxaan shaki ka jirin in gobolka Sanaag shacbigiisu ka badan yahay dhamaanba gobolada Somaliland ee kale marka laga yimaado gobolka Maroodijeex
arintaana waxa markhaati ugu filan oo laga dheehan karaa natiijadii kasoo baxay diiwaangelintii coodbixiyaha Somaliland iyo codkii doorashada iyadoo weliba aan 60% ka mida shacabka gobolku aanay qaadan kaadhadhkii diiwaangelinta.

Taariikhda Dhibaatadii ka dhacday Sanaag 1913 -1921 ( Qax & Gumaad (Exodus & Atrocities)

Horaantii qarnigii 20aad waxaa Shacabka gobolka Sanaag dhamaantii ku habsaday gumaad iyo xasuuq baahsan kaasoo ay u sii dheerayeen cuduro, abaaro iyo gaajo. waxaase nasiib wanaag ah gumaadkaa intiisa badan in ay ka badbaadeen qayb ka mid ah dadka reer Sanaag ee Saldanadii Maxamuud Cali Shire, waxaanu xiliyadaas beelaha Sanaag soo waajahay weerararo iyo xasuuq kaga imanayey dhinaca daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo gumaaday dad tiradoodu kor u dhaaftay 12000 kun oo qof oo isugu jirey caruur, ciroole dhalinyaro, haween iyo gargeyrtiba.

Waxaa xusid mudan in beelaha reer Sanaag hadhaagoodii u barakaceen dhinaca galbeed ee Somaliland iyo ilaa xuduudka Xabashida iyadoo dhamaanba degaanada gobolka Sanaag la faaruqiyey oo san ku neefle aanu ku hadhin

Mudo 7 sano ah ayaa galbeed lagu maqnaa nasiib darose intii yarayd ee fakatay waxaa ka soo noqday 30% intii kale dhulkaa ay u qaxeen ayay daryeel xumo ugu madheen iyagoo aan ka helin boqortooyadii Ingiriska wax kaalmo iyo magdhaw toona iyo sidoo kale wax soo dhoweyn ah iyo dibudejin ahna aanay kala kulmin dadkii ehelkooda ahaa ee reer somaliland ee ay galbeedka ugu tageen sida sooyaalka taarikhda ay kusoo tebiyeen hadhaaga dadkii soo guryo noqday ama sida uu buugiisa wakiilkii Ingiriiska Somaliland Douglas-Jardine (The mad Mullah of Somaliland)

Xiligaas barakacu (exodus) wuxuu ku beegnaa dagaalkii 1aad ee dunida waqtigaas oo ay ciidamadii ingiriiska gebi ahaanba iskaga baxeen gudaha maxamiyadii Somaliland una digo rogteen dhulka xeebaha gaar ahaan magaalada Berbera (Withdrawal-from-interior)

Hadaba wixii dhibaato, barakac, boob, xasuuq, iyo tacadiyo ka dhacayey gobolka Sanaag qarnigaa tegey cidi ma ogeyn, headofficekuna wuxuu ahaa galbeed oo cidina kalama hadal dawladii Ingiriiska dhibaatada intaa leeg ee dadkaa reer Sanaag soo gaadhay taasoo raadweyn ku leh ilaa maanta dibudhaca bulsho ee ka jira gobolka Sanaag.

Halgankii SNM & Kaalintii Sanaag

Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo munaasibadaha la qabto sida xuska maalinta shuhadada SNM ee 17 Ockotobar ayaad inta badan ku arkaysaa waxyaabo lala yaabo iyo taariikh galbeedaysan oo hadana beelaysan oo nin kastaa siduu doonayo u rogayo taas oo aan gobolka Sanaag haba yaratee waxba lagaga soo darin qaybtii uu ku lahaa halgankaas iyo wixii ka dhashay ee guul, khasaare iyo gumaadba isugu jireyba.

Waxaa in badan la daawadaa ama la akhristaa waraysiyo laga qaaday masuuliyiin iyo rag madax ka ahaa SNM oo ka sheekeeya siduu ku bilowday dareenkii bulshadu, aasaaskii SNM, dagaaladii SNM qaaday gudogalkii ka hor, xasuuq, xadhig, boob iyo wixii loo geystey umadda reer Somaliland iyo wax la mid ah balse aanay ku jirin dadka reer Sanaag. Tolow ma beelaha bariga iyo galbeedka Burco ayaa la hoos geeyey?

Hadaba waxaan si kooban qormadan ugu cadaynayaa in dadka reer Sanaag ugu horeeyeen cid ka hortimaada taliskii Siyaad Barre taariikhdu markay ahayd horaantii sanadkii 1976, waxaana arooryo hore lagu arkay shaarciyada magaalada Ceerigaabo waraaqo lagu daadiyey jidadka oo lagaga soo horjeedo nidaamkii Siyaad Barre oo waxyar ka hor xiligaas dhegta dhiiga u daray culimo awdiinkii qaadacay barmaamijkii sinaanta raga iyo haweenka.
Waraaqahaa fariinta xambaarsan waxaa daadiyey sida uu ii sheegay xildhibaan jaamac jibriil oo ka mida xubnaha golaha degaanka degmada Ceerigaabo rag ay ka mid yihiin Xuseen Yacquub fardheere, Siciid Shire Dibigaale iyo rag kale oo dhamaantoodba dhaliyaradii xiligaas ahaa, waxaana waraaqaha gacantiisa ku qoray Alle haw naxariistee nin dhalinyaro mutacalin ahaa oo markii danbena kornayl ka noqday dawladii Siyaad Barre oo la odhan jirey Aadan Cali Cade (Milixsite)
Waxaase arintan dawladii Siyaad Barre u qabqabatay 11 arday oo markaa dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare kuwaasoo xabsiga la dhigay laguna xukumay midkiiba 30 sanadood oo xadhig ah waxaana magacyadoodu kala ahaayeen sidan

1. Siciid Maxamed Cali Naahi
2. Cabdi Cabdulaahi Cali Naahi
3. Muuse Ducaale Jaamac Cagaweyne
4. Yaasiin Mire Maxamed Nuux
5. Maxamed Cabdi Qodbon
6. Maxamed Yuusuf Doonyaale
7. Siciid Timaweyne (gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtida Somaliland)
8. Cabdi Sayid Carab
9. Cumar Xaaji Faarax Doodi
10. Maxamuud Cabdi Caraale Jigraale
11. Maxamed Siciid Cabdi Aftaag

Dareenkii bulshada reer Sanaag halkaas kuma sii joogsane waa uu sii xoogaystay iyadoo Ceerigaabona ay noqotay, marka laga yimaado Jebintii jeelka Mandheera, meeshii ugu horeysey ee ciidamadii jabhadii SNM oo ka soo jeeda degaanada gobolka Sanaag ay dagaal ka fool ka fool ah iskaga horyimaadaan ciidamadii faqashta, dagaalkaas oo ka dhacay buurta Surud Cad ee galbeedka Magaalada Ceerigaabo bishii Juun 1983. Dagaalkaas waxaa hogaaminayay alle haw naxariistee halyaygii weynaa ee mujaahid Hure Xasan Muuse oo ku shihiiday meesha la yidhaahdo Diinqal ee bariga gobolka todheer.

Dagaalkaas ka dhacay buuraleyda Ceerigaabo gaar ahaan meesha la yidhaahdo Godmadaw oo ka mida buuraha Surud Cad, waxaa faqashtii lagaga dilay 72 askari oo miino iyo xabadi leeftay, waxaana laga dhaawacay tiro intaa leeg iyadoo dhinaca SNM uu ka shihiiday oo qudha Alla haw naxariistee Shiikh Axmed Xuseen Xasan oo ka mid ahaa dadkii degaankaas ee caawin jirey Jabhada SNM isla markaana abti u ahaa mid ka mida mujaahidiintii SNM oo la odhan jirey Cali Sixth . Shiikhan ayaa faqashtu ku warantay inuu ka dilay dhawr iyo labaatan askari markuu is daafacayey.

Jabkii faqashta ka gaadhay dagaalkaas cadhadii ka dhalatay waxay qoorta kasoo gooyeen Shiikh Axmed Xuseen Xasan oo keeneen magaalada Ceerigaabo iyaga oo dadka u sheegayay in ay sidaan madaxii hogaamiyaha SNM mujaahid Hurre si dadka loo baqo geliyo.
Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah sababaha wararka dagaaladaas ka dhacay buuralayda gobolka Sanaag ee u dhexeeyey SNM iyo Faqashtii meela loogu soo qaadi waayay islmarkaana loogu dariwaayey liiska diiwaanka guulaha SNM.

Marnaba may suurta gelin in qoraal iyo hadal midna laga waramo dhacdooyinkaas, dagaaladaas oo runtii ahaa bilowgii halganka SNM.

Waxaa aan si dhaqso ah hadii Alle idmo u soo gudbin doonaa waraysi laga qaaday Alle haw naxariistee Mujaahid Saleebaan Maxamed Guuleed oo ka mid ahaa ragii SNM ee dagaalkaas ku jirey oo wax laga weydiiyey dagaalkii Godmadow ( black cave war)
.
Dagaalkaas buuralayda Surud oo socday mudo bilo ah waxaa Mujaahid Hurre iyo ciidankiisu istaageen goob walba oo ka tirsan degaanka gobolka Sanaag sida uu iiga sheekeeyey Alle haw naxariistee Mujaahid Maxamuud Cabdi Caraale (jigraale) isagoo Hure dadka ku wacyigelinayey afkaarta halgankooda, oo runtii aan aad uga tiiraanyooday xikmada khudbadihi Muj Hurre ee Jigraale iiga sheekeyey xili ay marayeen degaanadii gobolka oo ay kula kulmayeen shacabka.
Dagaalkan buuraleyda Surud ee 1983kii, runtii wuxuu ka saameyn weynaa hadaynu isu eegno midka aadka loo hadal hayo ee dagaalkii lagu qaaday buuraha galbeedka Somaliland sanadkii 1984 kadib geeridii Alle haw naxariistee Mujaahid Lixle, waxaana sidii caadada u ahaan jirtey dawladii Siyaad barre ay durbadiiba bilowday toogashada dadka shacabka ah iyo xadhiga odayaasha iyo waxgaradka reer Sanaag.

Lasoco qaybaha danbe……………….