telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madal Ay Fadhiyaan Maayerka Degmada CEERIGAABO Iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka POLICE-KA SANAAG Oo Si Beelaysan Looga Aflagaadeeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Guurtida

Madal Ay Fadhiyaan Maayerka Degmada CEERIGAABO Iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka POLICE-KA SANAAG Oo Si Beelaysan Looga Aflagaadeeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Guurtida

 

Shir Ay Qabteen Beelaha Habar-Yoonis Bari Oo La Dhacay Magaalada GOOF Oo Ay Isugu Yimaadeen Qoorweyntii Habar-Yoonis Bari

Beesha SACAD YOONIS IYO Beesha MUUSE ISMAACIIL Waxaa Si Badheedh Cad Oo Qabiilaysan Looga Aflagaadeeyey Wasiirka Arimaha Gudaha MAXAMED KAAHIN Iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN

Waxay Ku Tilmaan Iyagoon U Meel Dayin In Labadaa Masuul Ka Shaqaynayaan Colaada COLAADA CEELAFWEYN

 

Waxaynu Wada Ogsoonahay Hadaynaan Iska Indho Tirayn Colaadani Markii Ay Bilaabantay Xukuumada Waxaa Wasiirka Arimaha Gudaha Ka Ahaa Nin GARXAJIS Ah Iyadoo Colaadani Soo Ifbaxday Kadib Shirkii DAALO Ee Beelaha HABAR-YOONIS

Markaynu Qiimeyno Masuuliyiintan Maanta Laga Aflagaadeeyey Wasiir MAXAMED KAAHIN Wuxuu Xilka Dowlada Hayey Mudo 6 Bilood Ah Colaada Ceelafweyn Ee Maanta Taagani Waxay Soo Socotay Mudo 3 Sano Iyo Dheeraad Ah Hadaan Isir Nacayb Loo Maagayn Xilka Wasiirnimo Isagoon Qaban Ayey Colaadu Jirtaye Hadaan Ujeedka Beeshaasi Ahayn Muxuu Wasiir U Noqday Maanta Meel Uu Eed Kaga Yeelan Karaaba Ma Jirto

 

Waa Ayaan Darro In Masuuliyiin Ay Wada Shaqayn Leeyihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Ay Maanta Kasoo Muuqdeen Madal Beelaysan Oo Loogu Talo Galay In Laga Aflagaadeeyo Wasiirka Arimaha Gudaha

Maayerka Degmada CEERIGAABO ISMAACIIL XAAJI NUUR Waa Shiqsiga Maanta Dhaqaalaha Ku Bixinaya Colaada Degmada Ceelafweyn

 

Waxaynu Wada Xasuusanaa Inuu Mudooyinkii U Danbeeyey Uu Urursanayey Ciidan Beeleed Uu Isagu Maalgeliyo

Wuxuu Habeen Iyo Maalin Ka Shaqeynayaa Colaada Guunka Ah Ee Soo Noqnoqotay

 

Taliye Kuxigeenka Ciidanka ASLUUBTA GOBOLKA SANAAG MAXAMED BOQOR AXMED DHEERE Loona Xil Saaray Arimaha Amaanka Ee Gobolka Isagoo Ah Masuulka Labaad Ee Ciidamada Booliska Gobolkaas Waa U Sharaf Dhac Waana Lagula Xisaabtamayaa Inuu Kasoo Muuqdo Madal Lagaga Arinsanayo Dhafoor Taabashada Xukuumadii Dirsatay

 

Xukuimada Iyo Wasiirka Maanta Ee Arimaha Guduhu Awood Waxay U Leeyihiin Inay Maquuniyaan Colaadaas Laakiin Arinka Keliya Ee La Dhawrayaa Ee La Xeerinayaa Waa Wada Dhalasho Halka Beesha Habaryoonis Bari Ay Ka Shaqaynayso Ku Xumaynta Beesha Uu Kasoo Jeedo Wasiirka Arimaha Guduhu

 

Ceeb Weyn Ayey Ku Tahay Beesha Faca Weyn Ee Habaryoonis Ka Shaqaynta Iyo Ku Xumaynta Beelaha Ay Walaalaha Yihiin Iyo Hurinta Colaada Ceelafweyn

Looma Waayin In Cid U Jawaabta Ama Halkay Dhigeen Meel.Ka Saraysa Dhigta Lakiin Wada Dhalasho Iyo Dun Wadaag Ayaa Loo Xeerinayaa Beeshaasina May Garan

 

Alle Nabada Ha Ina Fahamsiiyo Aamiin Yaa Rabbi