telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah Ee Shirkada ASLI-MAYDI Loogu Diiday In Mashaariicda Horumarineed Ee Ay Gobolada Bariga Ka Fulinaysay Aqoon-Yahan MAXAMED XASAN CALI

Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah Ee Shirkada ASLI-MAYDI Loogu Diiday In Mashaariicda Horumarineed Ee Ay Gobolada Bariga Ka Fulinaysay Aqoon-Yahan MAXAMED XASAN CALI
Tan Iyo Markii Shirkada ASLI-MAYDI Ay Soo Gashay Ganacsiga Waxaynu Wada Ogsoonahay In Shirkadani Wax Badan Ka Tartay Baahiyaha Dhabta Ah Ee Dadka Ku Xeeran BEEYADA Iyadoo Noqotay Shirkada Keliya Ee Dadkeeda Wax Kusoo Celisay Islamarkaana Baahiyaha Aasaasiga Looga Aayey
Shirkadan ASLI-MAYDI Oo Ku Jirtay Hawlaheeda Shaqo Ama Horumarinta Iyo Taakulaynta Gobolada Bariga Dal Waxay Wershadii Kala Safeynta BEEYADA Ka Dhistay Magaalada BURCO Islamarkaan Dhakhtar Weyn Oo Caalamiya Ay Dhismihiisa Ka Bilowday Magaalada CEERIGAABO
Markaynu Dib Ugu Noqono Gacansigeeda Beeyada Shirkadani Waxay Ugu Horayn Mashaariic Horumarineed Oo Kaabaya Korna U Qaadaya Ganacsiga Beeyada Usoo Heshay Beeyada Ku Taal Xeebta Bari Ee Gobolka SAAXIL
Mashaariicdan Oo Dhamaantood Wax Badan Ka Taraya Shaqo La’aanta Baahsan Ee Haysata Dhalinyarada Dalka Iyo Kuwa Gobolada Bariga
Hadaba Sida Runta Ah Waxaa Jiray Shirkado Ay Tartano Adag Islasoo Mareen Shirkadan Oo Iyaguba Ku Hawlanaa Ka Ganacsiga BEEYADA Oo Markii Danbena Ay Kaga Guulaysata Tartanadaas Shirkadahaas Oo Kala Ahaa Shirka GEELE ARAB SBI COCA COLA Iyo ISMAACIILIYA Oo Labadaba Laga Leeyahay Gobolada Galbeedka Dalka Shirkadahani Waxay Mudaba Ganacsiga Beeyada Soo Wadeenba Waxay Ahaayeen Shirkado Iyagu Danaysta Oo Aan U Danayn Beeyeysatay Xaqa U Leh Geedka Ay Ka Baxdo Kadibna Shirkada ASLI-MAYDI Oo Mulkiilaheedu Yahay Shiqsi Kasoo Jeeda Deegaanada Beeyadu Ka Baxdo Islamarkaana Kasoo Jeeda Qoysaska Beeyada Ugu Badani U Baxdo Ayaa Dhaqasho Ay Dhaqanayso Geedka Iyo Dadka Iska Lehba Ay Xadka Ganacsiga Kaga Guulaysatay
Shirkadahaas GEELE ARAB IYO ISMAACIILIYA Oo Mudooyinkan Danbe Iyagoo Shaadh Dowladeed Xidhan Ku Hawlan Inay Joojiyaan Shaqada Iyo Mashaariicaha Shirkada ASLI-MAYDI Ujeedkooduna Yahay Inay Ganacsiga Beeyada Dib Ugusoo Noqdaan Ayey Soo Adeegsadeen Taliyaha Ciidamada QARANKA FADAL IIMAAN Iyo Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha MAXAMED MUUSE DIIRIYE Kuwaas Oo Hakiyey Mashaariicdii Horumarineed Ee Ay Dalka Ka Hirgelinaysay Shirkada Barakaysan Ee ASLI-MAYDI
Markaa Ujeedooyinka Qayaxan Ee Wadaan FADAL IIMAAN Iyo Wasiir Kuxigeenka Arimaha Guduhu Ee Ay U Joojiyeen Mashaariicdaa Horumarineed Ee Loogu Danaynayo Gobolada Bariga Maaha Mid Sii Socon Karta Maxaa Yeelay Shacabka Gobolada Bariga Oo Isku Duuban Waxay Raali Ka Yihiin Inay La Shaqeeyaan Shirkada ASLI-MAYDI

B:GUDOOMIYAHA GUUD EE DHALINYARADA GOBOLKA SANAAG
MAXAMED XASAN CALI