telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Siyaasi BASHIIR CUMAR GEELE Oo Si Adag Uga Dareen Celiyey Dhalinyarada Ay Xukuumadu Sifooyinka Sharci Darro Ah Ku Xidhayso

Siyaasi BASHIIR CUMAR GEELE Oo Si Adag Uga Dareen Celiyey Dhalinyarada Ay Xukuumadu Sifooyinka Sharci Darro Ah Ku Xidhayso

Xukuumadan muuse biixi xadhig ayay u aragtay xal lagu muquunin karo bulshada mudooyinkan u dambeeyeyna bartilmaameed gaar ah dhalinyaro isku deegaan ah ayay si gardaro ah u xidhay Cabdicasiis Jalawo ayaa hore loo xidhay, shalayna waxa la xidhay laba weriye oo ka tirsan bulsho tv. Maxamed Cali Bakeeri iyo Maxamed Caydhaf.

Waxa sidoo kale sifo sharci daro ah ku xidhan  Mohamed Omer .

Sababta keliya ee xadhigan looga goleeyahay waa cabudhin deegaanka galbeedka Sanaag iyo in rag siyaasiyiin ahi muuse biixi tusaan inay cida juuq tidhaahda afka kaga boodayaan oo xadhig ugu jawaabayaan.

Waxan ragaa kula talin lahaa inanay xooga iska badin dhalinyarada ma cabiidin karaane xoriyadooda u soo celiyaan.

Xisbi ahaana waxaanu balanqaadaynaa dardargelinta mucaaradnimo ee deeganadaas la bartilmaameedsaday  iyo in xukuumadan tubta saxda ah lagu soo celiyo.

Ugu dambayn waxan siyaasiyiintaa socod baradka ah ku dardaarayaa laba gabay oo hogatusaalayn fiican u noqon kara haday ku wax qaadanayaan.

Dheeraad nin haystoo

Aqalkiisu dhalo yahay

Nabadiyo ku dhaqankeed

Haduu tuuryo dhaafsaday

Miyaan kiisa dhagax karin

Maan dhadhaabta xaabsado.

M.I. Hadraawi.

Muslin kuma cabiidsamo

Waloon madaxa kaa goyne

Mugii weel ma dhaafee

Allow mooska yaan jebinin.

Saahid qamaan.