telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Agaasimaha Hagraday Shaqadiisa MAXAMED CILMI HUUNO Oo Maanta Xadhig Gardarro Cad Ah Kula Kacay Laba Suxufi Oo Ka Hawlgala HARGEYSA

Agaasimaha Hagraday Shaqadiisa MAXAMED CILMI HUUNO Oo Maanta Xadhig Gardarro Cad Ah Kula Kacay Laba Suxufi Oo Ka Hawlgala HARGEYSA

Agaasimaha Wasaarada Deegaanka MAXAMED CILMI HUUNO Oo Uu Xilkan U Igmaday Madaxweynihii Hore Ee QARANKA Madaxweyne AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAAN Ayaa Maanta Gardaro Cad Kula Kacay Laba Suxufi Oo Ka Hawl Gala Magaalada HARGEYSA Isagoo Xidhay Suxufiyinta MAXAMED CALI BAKEERI Iyo MAXAMED CAYDHAF Oo Ahaa Suxufiyiin Danahooda Gaarka Ah Ku Mashquulsan Shaqadoodana Gudanaya
Agaasime MAXAMED CILMI HUUNE Waa Agaasi Caadeystay Bakhaylnimo Iyo Gacan Adayg Shaqada Ay U Qabato Saxaafaduna Lacagteeda Musuqmaasuqa
Agaasimahan Ayaa Dhawaan Dhalinyaro Hubaysan Usoo Diray Suxufi MAXAMED CALI BAKEERI Islamarkaana Ay Hadhcad Ku Gacan Saareen Magaalada Hargeysa Dhexdeeda
Suxufi MAXAMED CALI BAKEERI Oo Qaba Dhaawacyadii Ay U Geysteen Dhalinyaradii Uu Soo Dalbaday Agaasimahan Bakhaylka Ahi Ayuu Maantana Ugu Daray Xadhig Isagoo Ujeedkiisu Uu Yahay Inuu Aamusiiyo Islamarkaana Aaanay waydiin Lacagtii Shaqo Ee Ay Ku Lahaayeen
Agaasimaha Bakhaylka Ah MAXAMED CILMI HUUNO Ma Jirto Sabab Kale Oo Uu U Adeegsanayo Xadhiga Suxufiyiintan Aan Ka Ahayn Inuu Hagraday Damaacina Ka Galay Lacagta Shaqo Ay U Qabteen Suxufiyiintani
Sababaha Kale Ee Jirta Ayaa Ah In Suxufi MAXAMED CALI BAKEERI Uu Maqaalo Iyo Muuqaalo Isdaba Joog Ah Oo Uu Ku Amaanayo Shirkada Uu Leeyahay Muwaadin Reer SOMALILAND Ah Ee ASLI-MAYDI Kana ganacsata BEEYADA Uu Ka Cadhooday Agaasimahan Bakhaylka Ahi Oo Mudooyinkanba Daba Taagnaa Shirkadan Isla Markaana Uu damacsanaa Inuu Ganacsigeeda Taakeeyo
Iyo Suxufiga Kale Ee MAXAMED CAYDHAF Oo Isna Qoray Maqaal Qurux Badan Oo Uu Ku Amaanayo Siyaasi MAXAMUUD XAASHI Maqaalkaas Oo Ka Cadhaysiiyey Agaasimahan Bakhaylka Ah Ee Hagraday Shaqadiisa
Suxufiyiintan Xidhan Waa Suxufiyiin Sharci Ah Kana Tirsan Dalada suxufiyiinta SOMALILAND Ee SOLJA Xaqa Ay Leeyihiina Way Helayaan