telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Maamulka KHAATUMO Oo Beeniyey In Cali Khaliif Ka Baxay Shirkii Ay Axadii Somaliland Iyo KHAATUMO Heshiiska Ku Saxeexdeen

Maamulka KHAATUMO Oo Beeniyey In Cali Khaliif Ka Baxay Shirkii Ay Axadii
Somaliland Iyo KHAATUMO Heshiiska Ku Saxeexdeen
Maxamuud Axmed Yaasin oo ka mid ah saraakiisha maamulka Khaatumo,
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Cali Khaliif Galaydh

uu ka baxay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee Axaddii
toddobaadkan lagu qabtay Hudheelka Safari ee magaalada Hargeysa ee lagu
kala saxeexday heshiiska 10-ka qodob ahaa.
Waxa kaloo uu sheegay in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo
qasdigoodu yahay sidii loo heli lahaa wax uu ku tilmaamay Somaliland la
siman yahay oo lagu heshiiyey. Mr. Maxmuud, waxa uu sidan ku sheegay
waraysi uu shalay siiyay wargeyskaDawaniyoSomnews TV,waxaannu
xukuumadda Somaliland ugu baaqay in muddada gaaban ee hadhay ay
dardar galiyaan wadahadalka labada dhinac u socda.
“Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayd goobjoog ayuu ka ahaa
shirka qoraalkiisii iyo heshiiskiisiiba, kama uu bixin ergadii Somaliland ka
joogtay teedii ayaa naga joogtay goobta madaxweynuhuna inuu mar walba
fadhiyo shardi maaha, mar haddii masuuliyiintii uu igmaday ay joogaan,”ayuu
yidhi saraalkani.
Waxa uu sheegay in wadahadalka laga doonayo in lagu heshiiyo sidii
Somaliland wax u wada yeelan lahayd, waxaannu yidhi; “Wadahadalka
Somaliland iyo Khaatumo waa nidaam socda oo la rajaynayo in lagu gaadho
mustaqbal iyo is afgarasho, walina ma gaadhin heer dhammaad ah. Waxaanse
rajeynaynaa in heshiis la gaadho oo wax masiirka ummadda noqdaa uu ka soo
baxo, in la wada heshiiyo Somaliland waxay u aragtaa danteeda, annaguna
Khaatumo ahaan waxaannu u aragnaa dantayada.
Waxaannu doonaynaa Somaliland cusub oo wax wada leh oo samaystay
waxay heshiis ku yihiin, dastuurkana lagu qorto laguna heshiiyo, ciddii ilaalin
lahayd waxa lagu wada heshiiyay laga wada hadlo oo meel la wada dhigo si
aan bari la iskugu dulmiyin annaguna diyaar ayaanu u nahay Somaliland-na
diyaar ayay u tahay.”
Maxamuud Axmed Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland ku booriyey inay
hay’adaha samafalka geyso gobolka Sool oo uu xusay in diiftii abaaruhu wali
ka sii jirto, waxaannu yidhi; “Somaliland waxaan leeyahay waxaad sugtaan
amniga gobolka Sool, dadku wali kamay soo waaqsan diiftii abaarta waxaan
leeyahay Somaliland dadkii iyo hay’addihii dadkan wax siin jiray ha u fasaxdo,
dadku waa baahan yahay, waa dhibaataysan yihiine, waa ay soo xaroodeen
xoolihiina way ka baxeen.”
“Xukuumada Somaliland ee hadda jirta wakhtigeeduna gabaabsiga yahay,
waxaan ugu baaqaya inay sii dardargaliso wadahadalka labada dhinac u
socda, wixii turxaan ku keenayana inay ka dhowrto. waxaanu annagu heshiis
ku nahay ciddii ka soo horjeeda wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo,”ayuu
yidhi Maxamuud, isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Cagalule waxa uu
ahaa madaxweyne ku-xigeenkayagii muddo siddeed bilood ahna wuu maqnaa,
waxaannu ku maqnaa wax lidi ku ah jiritaanka wadahadalka u socday
Somaliland iyo Khaatumo, shalay kuwii doortay uun baa xilka ka qaaday,

Cagallule waa nin shacabkiisa ka mid ah. Khaatumo laba madaxweyne ma
laha, ina Cagallule intii uu Khaatumo u soo shaqeeyay waa ku mahadinaynaa
wixii uu soo qabtay ee wanaagsanaa wuxuu ku gafayna waxyaabihii xilka
lagaga qaaday ayay ka mid tahay, waxaannu ognahay inuu qof shacaba yahay
oo aanu ahayn nin xil iyo masuuliyad u haya ummadda.”