telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Halkan Ka Eeg Wasiirka Cadaalada Oo La Kulmay Wefti Kala Duwan Oo Ka Kala Socotay Dalka SWEDEN Iyo Haayada UNSOM

Halkan Ka Eeg Wasiirka Cadaalada Oo La Kulmay Wefti Kala Duwan Oo Ka Kala Socotay Dalka SWEDEN Iyo Haayada UNSOM

Kulamo Uu Ku Qaabilay xafiiska Wasaarada Caddaaladda, waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed
Faarax Caddare, Wasiirudawlaha Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diiriye,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Md. Jaamac Axmed
Cabdiraxmaan, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xabsiyadda iyo Xuquuqal
Insaanka Md. Ibraahim Khadar Siciid, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Md.
Yasin Maxamed Cabdi, Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka
Dadwaynaha Md. Maxamed Kayse Adam,
Weftiga ka socoday dawladda Sweden iyo xubno hay’adda UNSOM u
qaabilsan arrimaha caddaaladda iyo ammaanka.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladdu waxa ay ugu horrayn kulan la
yeeshen weftiga Sweden ka timid oo ay hoggaaminaysay Mrs. Karin oo
dawladda Sweden u qaabilsan arrimaha xabsiyada iyo xabsi-ka-leexinta,
waxaanay ka wada hadleen sidii dawladda Sweden uga qaybqaadan lahayd
horumarinta xabsiyada dawladda.
Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in dawladda
Sweden ku horumartay hannaanka wanaajinta xabsiyada iyo dhaqan-celinta
maxaabiista, sidaa darteedna Somaliland higsanayso in xabsiyada loo beddelo
xarumo dhaqan-celineed oo maxaabiistu ka helaan xirfado iyo aqoon. Waxa uu
dalwadda Sweden ka codsaday in ay arrinta ka caawiso.
Mrs. Karin, ayaa dhan keeda Somaliland ku ammaantay horumarka dhinaca
caddaaladda ay ka gaadhay, waxaanay xustay in dawladda Sweden aad u
danaynayso in ay Somaliland wax kala qabato dhinaca dhaqan-celinta
maxaabiista, dhanka kale Mrs Karin ayaa wasiirka caddaaladda xafiiskiisa ku
gudoonsiisay hadyad ay uga siday dawladda Sweden
Sidoo kale, Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladdu waxay kulan la yeesheen
wefti uu hoggaaminaayey Agaasimaha Sharciga, Kala Dambaynta iyo
ammaanka (Rule of Law) ee hay’adda UNSOM Mr.Staffan Tillander. Waxa
kulankaas lagaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka caddaaladda
Somaliland, gaar ahaan xabsiyada, maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda waxa uu hay’adda UNSOM u gacanta ka
saaray qorshaha shanta sanno u yaala bahda caddaaladda si ay
barnaamijyada dalka ay ka qaban doonto hay’addu ugu salayso.
Mr.Staffan Tillander waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland
kala shaqeeyaan kor u qaadista iyo horumarinta adeegyada caddaaladda iyo
hannaanka dib-u-habaynta Xabsiyada.
Dhammaan kullanadan waxa ay hor dhac u yihiin qorshe cusub oo
Wasaaradda Caddaaladdu u dejisay hannaanka wada shaqayneed ee
hay’adda la shaqeeya bahda caddaaladd