telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Halkan Ka Daawo Maareeyihii Wakaalada Biyaha BURCO Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Dareenada Ku Xeeran Maareeyaha Cusub

Maareeyihii Wakaalada Biyaha Ee Magaalada Burco Faxti Axmed
Cabdilaahi,Ayaa Habeenkii Xalay Xilkii Laga Xayuubiyey Kadib Markii Ay Soo

Baxeen Maamul Xumo Soo Wajahday Wakaalada Biyaha Magaalada Burco,
Wasaarada Khayraadka Biyaha Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Il Gaara Ku
Haysay Cabashada Shacabka Gobolka Togdheer Oo Ay Markii Ugu Horaysay
Soo Wajahday Biyo La,aani,Ayaa Garawsatay Cabashada Kasoo Yeedhaysa
Bulshada Waxaanay Go,aan Satay Inay Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii
Wakaalada Biyaha Burco,Mud Fadxi Axmed C//aahi,Iyada Oo U Magacawday
Masuul Cusub Oo Lagu Magacaabo Axmed Siciid,
Wakaalada Biyaha Ee Magaalada Burco Waxaa Hadheeyay Dayn Aad U Tiro
Badan Inkasta Oo Marba Kab La Siiyey,, Balse Waxaa Mudooyinkii U
Danbeeyay Sii Laba Jibaarmay Daynta Lagu Yeelanaayo Wakaalada Biyaha
Iyada Oo Xata Aoodi Weyday Inay Iska Bixiso Shiidaalkii,,
Warar Lagu Kalsoon Yahay Oo Ay Helayso Shebekada BurcoOnline,com Ayaa
Sheegaya Inaanay Jirin Wax Dhaqaale Ah Oo Ku Baaqday,Dadweynaha Reer
Burco Iyaga Oo Lacagta Biyahana Ay Shaqaaluhu Kaga Ururiyaan Sadex
Cisho Gudahood,Balse Waxaa Lays Weydiinaya Halka Ay Marto
Lacagtaasi,Maadama Oo Dadkuna Ka Taagan Yihiin Biyo La,aan
Wakaaladana Lagu Leeyahay Dayn Faro,Badan
Maareeyaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay Wakaalada Biyaha Oo Lagu
Magacaabo Axmed Siciid,Waxa Uu Wejihi Doona Xaalad Murugsan Oo Ka
Taakan Wakaalada Biyaha,Taas Oo Ay Kow Katahay Cabashada Dadweynaha
Iyo Daynta Lagu Leeyahay Wakaalada Biyaha,Waxaana Il Gaara Lagu Haya
Qaabkuu Ugu Adeegi Doono Bulshada,