telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Badbaadiyay Gabadh ku Dhacay Suuli Gaar Ahaan Degmada Maxamuud Haybe

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta Abaaro 1:43 PM
waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah laga soo sheegay Xaafada
Jacmeeco Weyn
Hargeysa [ Burcoonline] 29.08.2017 _ Ciidanka Dab-demiska Caasimada
Hargeysa ayaa maanta Abaaro 1:43 PM waxaa Qaylo dhaan Badbaado
Nafeed ah laga soo sheegay Xaafada Jacmeeco Weyn ee Degmada
Maxamuud Haybe Nooca Badbaadadaa ayaa ahayd Gabadh Suuli ku dhacday
waxaana ciidanka looga soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990
ee Ciidanka Dab-demiska.
Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa
Badbaado, waxaana ay u baxeen goobtii laga soo sheegay iyadoo hawlgalkaa
uu Hogaaminayay Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi
Cali waxaana markii uu ciidanku gaadhay goobtaas waxaa ciidanku bilaabay
Hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka,
ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo, Hawlgalkaa oo qaatay saacad iyo
badh ayaa ciidanku ku guuleystay inay soo badbaadiyaan Gabadhaas ku
caddibnayd Suuligaas.

Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali oo Hawlgalkaa
hogaaminayay ayaa ciidanka uga mahadnaqay sida hawlkarnimada, kartida
iyo shaqo wanaaga leh ee ay u guteen waajibaadka ay qaranka u hayaan
iyadoo Hogaanku xusay in ciidanka Dab-demisku aanay badbaadin
waxyeelada Dabka oo kaliya balse Ciidanku markastaba heegan u yahay
badbaadinta Dabka iyo wixii kalee gargaar Biniaadanimo ku saabsan.
Dadweynihii Goobta joogay iyo eheladii Gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa
iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyaan
gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo Gurmadkii
ay waydiisteen, waxanay sheegeen inay dadaalka ay dadkooda ugu
shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.
Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta
aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaada waxaana
Todobaadkii u horeeyay Ciidanku soo badbaadiyeen muwaadin Gaadhigiisa uu
qaatay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.
Warbaahinta CDDQ
Hargeysa/ Somaliland.
990 Emergecny Call