telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Halkan Ka EEG Wargeys Kasoo Baxa BAQDAAD Oo Warbixin Ka Qoray Iskaashiga Somaliland La Leedahay Dalka Imaaradka

Halkan Ka EEG Wargeys Kasoo Baxa BAQDAAD Oo Warbixin Ka Qoray Iskaashiga Somaliland La Leedahay Dalka Imaaradka

Wargeyska Kitabat oo ka soo baxa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, ayaa
shalay baahiyey warbixin uu kaga hadlay cilaaqaadka Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Imaaraadka carabta, gaar ahaan heshiisyada maalgelinta
dekedda Berbera iyo saldhiga Millatari.

Warbixintan oo uu qoray suxufi la yidhaahdo, Mr. Rasha Ashari oo ka tirsan
Wargeyska Kitabat, waxaa uu kaga hadlay asbaabaha dalalka Afrika ay u
taageereen cunaqabatayna Sucuudiga iyo xulafadiisu ku go’doomiyeen dalka
Qatar, waxaanay u qornayd sidan:-
“Waxa jira sababo badan oo ogolaanshaha dalalka afrika xidhiidhka ugu jareen
dalka Qatar, dhinac marka laga eego, waxa muuqanaya danno dhaqaale iyo
xidhiidho siyaasadeed oo ku ajburay inay taageeraan, waxa loo arkaa in
dalalkani doonayaan iskaashi iyo xulafo ay ka helaan dalalka Khaliijka.
Dhinaca kale, danaha Khaliijka ayaa ah inay saamayn ku yeelato waddamada
Qaarada Afrika, si ay meesha uga saaraan taageero dalka Iiraan iyo shiicadu
ku yeelato, waxa kaloo kaalintooda sii xoojinaya saldhigyada millateri oo
siinaya quwad ciidan iyo mid dhaqaale oo ay ku yeeshaan badda gacanka cas.
Mowqifyada waddamada Afrika qaarkood:
Dalalka Afrika ayaa mowqifyo ay xidhiidhka diblamaasiyadeed ugu jareen
dalka Qatar qaatay, ama ay hoos ugu dhigeen joogitaankoodii, sida Niger,
Mauritania, Senegal, Djibouti, Comoros, Libya, Chad iyo Mauritius.
Somaliland:
Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay
Soomaaliya, ayaa shaacisay 10 June, inay si buuxda u taageersan yihiin
Sucuudiga iyo Xulafada Khaliijka ee ku wajahan Qatar. Sidoo kale shirkadda
diyaaradaha Qatar ayaa laga mamnuucay adeegsida hawadda Somaliland.
Inkastoo dalka Qatar aanu xidhiidh la lahayn Somaliland una aqoonsanayn dal
madax-bannaan, ma cadda in dalka Qatar aqbali doono xanibaada dhinaca
hawadda ee Somaliland.
Somaliland ayaa xidhiidh dhow la wadaagta dalka Imaaraadka Carabta, kadib
heshiis badhtamahii sannadkan ku kala saxeexdeen in shirkadda DP World
dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu samaynayo dekedda Berbera iyo heshiis
kaloo saldhig millatari kaga samayteen waxaanay Somaliland heshiisyadaas
beddelkeeda ku heli doontaa horumarinta kaabayaasha dalkooda iyo shaqo
abuur baahi weyn loo qabo.
Mashaariicdan Somaliland ka heshay Imaraadka ayaa dib-u-ridaysaa
wadaxaajoodkii siyaasadeed iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya, arrintaasina
waa ta sababtay in Somaliland iyo Soomaaliya laba mowqif ka kala istaagaan
arrinta Qatar.”