telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

DEG-DEG: Barcelona Oo Dhameystirtay Saxiixa Ousmane Dembele & Faah-Faahinta Laga Bixiyay Heshiiskiisa

DEG-DEG: Barcelona Oo Dhameystirtay Saxiixa Ousmane Dembele & Faah-Faahinta Laga Bixiyay Heshiiskiisa

Barcelona ayaa ku dhawaaqday iney dhameystirtay saxiixa weeraryahanka da’da yar ee reer France Ousmane Dembele kaas oo ay kula wareegeen aduun dhan 96.8 Malyan oo Pound oo hordhac ah taasoo u sara-kici karta lacag dhan 135.5 Malyan oo Pound.

20-jirkaan heerka caalami ayaa qalinka ku duugay heshiis dhan shan sanadood, wuxuuna qalinka ku jiiday isagoo dhinac fadhiya madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu.

Heshiiskaan wuxuu ka dhigayaa Ousmane Dembele saxiixa labaad ee dunida ugu qaalisan kadib Neymar Junior oo 222 Malyan oo Euro ku tagay garoonka Parc des Princess oo ay ku ciyaarto kooxda Paris Saint Germain.

Barcelona waxey xaqiijisay in xidigaan lagu jabin karo heshiiskiisa aduun dhan 400 Malyan oo Euro oo u dhiganta 369.6 Malyan oo Pound madama ay ku quus-qaateen heshiiskii Neymar Junior.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan ahaado, waligeyba riyo ayey ii aheyd inaan ka mid noqdo Barcelona. halkaan ayaan ahay, waana ku faraxsanahay inaan hantiyo riyadeyda” ayuu yiri Ousmane Dembele.

“Waa kooxda ugu wanaagsan dunida oo heysata ciyaariyahanka ugu wanaagsan dunida” ayuu yiri mar kale saxiixa cusub ee Barceloan Ousmane Dembele.