telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Wasiir MAXAMUUD XAASHI Oo Ka Hadlay Khilaafka Golaha Wakiilada Baaq Adagna U Diray Xildhibaanada

Waar Dalka U Tudha, Golluhuna Laba Gudoomiye Ma Laha, Hal Guddoomiye
Ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina Waa Baashe Maxamed Faarax,Nin Labaad
Oo Sheegtaana Waa Dambi, In La Qasaana Waa Dambi.” Wasiir M/Xaashi.

“Guddoomiyihii cusbaa ee la doortay, kursigii ayuu ku fadhiistay, waa
gudoomiyey shirkii wuu mahad celiyey golaha inuu isku wadanayan wuu
sheegay, Golihiina wuu xidhay. Qoodhiin iyo xeradiin golahaa ay intaasi
ka dhacday ee juu-juda iyo nuu-naa laga daba wado waar miyaan dunida
lagu noolayn, anigu waxaa qabaa xisbiga Waddani inay guul weyn oo
siyadadeed u ahayd maalintaa, aniga qiimayntayda, laakiin inay guushaa
rifeen oo bakhti wareemaan ayaan u arkayey”. Wasiir Maxamuud Xaashi
“Anigu waxaan ahaan jiray Xildhibaan golayaashu waxay ay leeyihiin
muran, way isku buuqaan, waxa ay leeyihiin jaafaa jiriq, Huuh ayaa
laysku yidhaa hadii la doono, kuwa ingiriiska ayey ka dhacdaa, golahaas
tii ugu nadiifta badnayd ayaa ka dhacday, intaas oo dhanbaan soo
taagnaa iyadoo shir-gudoon la kala dooranayo”,Wasiir M Xaashi
“Markaanu Waddani u faano ee nidhaa waayo arag ayaanu nahay xisbi
sideed sano mucaarid soo ahaa ayaannu nahay, xisbi dhici jiray ayaanu
nahay, wax weyna ayaa laga dhaxlaa, WADDANI waa xisbi layli ah,
halkaas waxa ka muuqata inuu layli yahay, eraygaanu lahayn ayaa cad
maanta, hadaanu layli ahayn, waxa intaa yeeshay kamuu
noqdeen.”Wasiir Xaashi
“waxa dhacday oo aan anigu gollaha ka mid ahaa iyadoo gudoomiyihii
gollaha Axmed Cabdi Xaabsade fadhiyo in nin iska kacay xidlhibaan ahi
ILAAHAY ha u naxariistee oo nin kale oo isna dhintay Alle ha u naxaiistee
uu yidhi waar wixii ogol in Axmed Cabdi Xaabsade la ridow gacanta
taaga dabadeena qaarbaa iska taagay, waa nidaam darro, aqlabiyadayadii
waannu fadhinaa, hadii guddoomiyaha la ridayo nidaam ayaa loo maraa,
hadii mid la dooranayo waa la yaqaan nidaamka loo maro”, Maxamuud
Xaashi
“waxaan leeyahay muranku wuxuu u ekaa markii codka la qaadayey, maanta haybada maxkamada Dastuuriga ahna in la duro maaha, iyadoo
dalku uu qarka u saaran yahay doorasho, waxaan Xildhibaan Rayte la
qabaa waa balaysin xun, waa sumcada Somaliland oo meel lagaga
dhacayo, waxa muujinaysaa ninka taa diiday beri, najiito ka qadhaadna in
aanu qaadan karin, shacbiga Somaliland wuu arkayaa, xoog iyo cududna
isku muquunin karo, waxa aynu nahay Ilmaadeer siman iyo saaxiibo
tartamaya waxaanu leenahay marka laydinka adkaado qaata guul
darada”,Wasiirka Madaxtooyada

Dayaxa ( )Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay mawfiqka Xukuumadda
Madaxweyne Siilaanyo ee xiisada ka taagan Golaha Wakiilada JSL.
Wasiir Xaashi waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay guddoomiyaha
rasmiga ah ee golahaasi u aqoonsan yihiin Mudane Baashe Maxamed Faarax,
isaga oo sidoo kalena sheegay inay dambi tahay cidii kale ee sheegata
gudoomiye-nimada golahaasi iyo cid kasta oo isu dayday inay muran galiso
doorashadaasi.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena xisbiga mucaaridka ah ee
WADDANI ku tilmaamay inuu yahay xisbi layli ah oo aan lahayn xamil iyo

/17/2017 Waar Dalka U Tudha, Golluhuna Laba Gudoomiye Ma Laha, Hal Guddoomiye Ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina Waa Baashe Maxamed Faarax,…
http://burcoonline.com/articles/64426/Waar-Dalka-U-Tudha-Golluhuna-Laba-Gudoomiye-Ma-Laha-Hal-Guddoomiye-Ayuu-Leeyahay-Gudoomiyihiina-… 3/5
dulqaad siyaadeed, Wasiirka ayaa su’aal galiyey kartida uu xisbiga Waddani
ku aqbali doono najiitada doorashada Madaxtooyada hadii laga guulaysto.
Mudane maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka
jeediyey maanta madal lagu qaabilay weftigii gudoomiyaha KULMIYE, oo
gaadhay Magaalada Dayaxa ee gobolka Sanaag waxaannu yidhi ” Arrinta
Gollaha Wakiilada waxaannu leenahay, arrintaasi mid annaga Xukuumad
ahaan noo taalay maaha, waxay u teelay aqal gaar ah, wuu is doortay, annagu
wax faro-galin ah kumaanu samayn, goluhu dhaqan ayuu leeyahay, waa
xildhibaano siman, doorasho fiican oo nadiif ah oo sumcad weyn Somaliland u
keentay ayaa aqalkaa ka dhacday, warbaahinta oo dhan baa laga daawaday,
shan arrimood ayaa golaha ka dhacay oo taariikhi ah.”
” Anigu waxaan ahaan jiray Xildhibaan golayaashu waxay ay leeyihiin muran,
way isku buuqaan, waxa ay leeyihiin jaafaa jiriq, Huuh ayaa laysku yidhaa
hadii la doono, kuwa ingiriiska ayey ka dhacdaa, golahaas tii ugu nadiifta
badnayd ayaa ka dhacday, intaas oo dhanbaan soo taagnaa iyadoo shirgudoon
la kala dooranayo, waxa dhacday oo aan anigu gollaha ka mid ahaa
iyadoo gudoomiyihii gollaha Axmed Cabdi Xaabsade fadhiyo in nin iska kacay
xidlhibaan ahi ILAAHAY ha u naxariistee oo nin kale oo isna dhintay Alle ha u
naxaiistee uu yidhi waar wixii ogol in Axmed Cabdi Xaabsade la ridow gacanta
taaga dabadeena qaarbaa iska taagay, waa nidaam darro, aqlabiyadayadii
waannu fadhinaa, hadii guddoomiyaha la ridayo nidaam ayaa loo maraa, hadii
mid la dooranayo waa la yaqaan nidaamka loo maro, wixii Ogol Cabdiraxmaan
Baydaaniyowna gacanta taaga, dhawr iyo sodon mudane ayaannu kaga
dhaqaaqnay, dhawr iyo labaatan mudane ayaa na muquuniyey, gudoomiyihii
wuxuu noqday Baydaani, Axmed Cabdi Xaabsade iyo kooxdayadii la
socotayna oo aan aniggu ka mid ahaa, oo Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Nuur
Saalax (Fagadhe) ka mid yahayna banaanka ayaa naloo tuuray. Waxa na
muquuniyey tiro naga yar waxay nagu muqiiniyeen nidaam aan sharci ahayn,
taas ayaannu aqbalnay oo aakhirkii u soo noqnay, danta iyo Ummadda wadajirkeeda.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa intaasi ku daray ” Golahaas waxa ka dhacay
shan arrinmood oo taariikhi ah, deero deero ma hir-diyin buuq iyo sawaxan ma
lahayn, isaga oo miyir qaba oo ay ka muuqato bisayl iyo waayo aragnimo ayey
codka galeen guddoomiye ku xigeenkii labaad Cali Yuusuf ayaa cod qaaday,
codkii markii la qaaday iyo markii la tirinayey buuq ka soo baxay ma jirin, waa
laba ee garsooirhii shir gudoonka ahaa ayaa wax soo saaray, sadex
guddoomihii 12 sano gollaha gacanta ku hayey ee maamulayey Cabdiraxmaan
Cirro ayaa soo kacay oo hambalyeeyey najiitadaa oo halkaa xilkii kaga degay,
afar ninkii la tarmayey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ah oo ninkii Baashe
la tartamayey ah ayaa aqbalay oo aqoonsaday najiitadii, wuu hambalyeeyey si
waayo aragnimo iyo geesino leh ayuu u hadlay, waa shan waxa soo kacay
Guddoomiyihii cusbaa ee la doortay, kursigii ayuu ku fadhiistay, waa
gudoomiyey shirkii wuu mahad celiyey golaha inuu isku wadanayan wuu
sheegay, Golihiina wuu xidhay. Qoodhiin iyo xeradiin golahaa ay intaasi ka
dhacday ee juu-juda iyo nuu-naa laga daba wado waar miyaan dunida lagu
noolayn, anigu waxaa qabaa xisbiga Waddani inay guul weyn oo siyadadeed u
ahayd maalintaa, aniga qiimayntayda, laakiin inay guushaa rifeen oo bakhti
wareemaan ayaan u arkayey. Markaanu Waddani u faano ee nidhaa waayo
arag ayaanu nahay xisbi sideed sano mucaarid soo ahaa ayaannu nahay, xisbi
dhici jiray ayaanu nahay, wax weyna ayaa laga dhaxlaa, WADDANI waa xisbi
layli ah, halkaas waxa ka muuqata inuu layli yahay, eraygaanu lahayn ayaa
cad maanta, hadaanu layli ahayn, waxa intaa yeeshay kamuu noqdeen.”

Wasiir Xaashi waxa uu ka hadlay maqifka rasmiga ah ee Xukuumadda
waxaanu yidhi ” Annagu waxaannu aamin-san nahay inuu sax ahaa codka la
qaaday goobta maanu joogin laakiin adkayaanta uu guushu ku sidmo ayaanu
tirinaynaa, oo ah kuwaa aan sheegay, waxaan leeyahay muranku wuxuu u
ekaa markii codka la qaadayey, maanta haybada maxkamada Dastuuriga
ahna in la duro maaha, iyadoo dalku uu qarka u saaran yahay doorasho,
waxaan Xildhibaan Rayte la qabaa waa balaysin xun, waa sumcada
Somaliland oo meel lagaga dhacayo, waxa muujinaysaa ninka taa diiday beri,
najiito ka qadhaadna in aanu qaadan karin, shacbiga Somaliland wuu arkayaa,
xoog iyo cududna isku muquunin karo, waxa aynu nahay Ilmaadeer siman iyo
saaxiibo tartamaya waxaanu leenahay marka laydinka adkaado qaata guul
darada, hadaa naga adkaataa waanu qaadaynayaa, waar dalka u tudha,
golluhu laba gudoomiye ma laha, hal guddoomiye ayuu leeyahay,
gudoomiyihiina waa Baashe Maxamed Faarax, anaguna xukuumadii dalka
maamulaysay ayaanu nahay kaas ayaanu aqoonsanahahay, nin labaad oo
sheegtaana waa dambi, in la qasaana waa dambi, gudoomiyaha Gollaha
wakiiladu waa Baashe Maxamed Faarax, haday waxa kala tirsanayaan iyo
haday boogahooda dhayanayaan xaq ayey u leeyihiin, Maxkamada dastuuriga
ahi go’aan sax ah ayey qaadataym, waar arrintu dacwad dastuuri ahna ma
ahayn mid idaari ahna ma ahayn labaas ayuubay qaadaa, waar bal Ina
Sanweyne u gee, Nuur Naxar-na u gee, labadaas ayuubay qaada, waa go’aan
gole arrinani mar hadii la tirnaya cid dib ugu noqotaa ma jirto.”