telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Halkan Ka Eeg Sawirada Magaalada CEEL-AFWEYN Oo Si Balaadhan Loogusoo Dhaweeyey Msharaxa Xisbiga KULMIYE MUUSE BIIXI

Halkan Ka Eeg Sawirada Magaalada CEEL-AFWEYN Oo Si Balaadhan Loogusoo Dhaweeyey Msharaxa Xisbiga KULMIYE MUUSE BIIXI

Shacabka Degmada Ceel Af-Weyn Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay
Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo.
Shacabweynaha ku dhaqan degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag, ayaa
soo dhaweyn aan loo kala hadhin ku qaabilay guddoomiyaha xisbiga

KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro,
xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo xubno kale, ayaa waxa goob ka baxsan
magaalada kaga hor tegay kumanaan kamid shacabka degmada Ceel Af-weyn
oo u hoggaaminayo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, cuqaal iyo
salaadiin uu hormood u yahay suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, waxana
weftiga loo gelbiyey madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo.
Siyaasiyiinta, xildhibaannada, cuqaasha, boqorrada, aqoonyahanka iyo
haldoorka degmada Ceel Af-weyn oo madasha ka hadlay, ayaa soo
dhaweeyey murrashaxa KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay si
xeeldheer u ammaaneen waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka
fulisay, iyaga oo ku ballan qaaday inay si ballaadhan ugu codayn doonaan
xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
oo halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa ku bogaadiyey
safarkooda, waxana ay sheegeen inay shacabka degmada Ceel Af-weyn
diyaar u yihiin inay xisbiga KULMIYE u codeeyeen.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi
Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Ceel Af-weyn ku
bogaadiyey soo dhaweynta ballaadhan ee ay u muujiyeen weftiga iyo weliba
taageerada ay xisbiga u muujiyeen.