telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

War-Bixin Ay Soo Saartay Qaramada Midoobay Ayey Ku Sheegtay In Dagaalkii Yemen Ka Socday Uu Sii Xoogaystay

War-Bixin Ay Soo Saartay Qaramada Midoobay Ayey Ku Sheegtay In Dagaalkii Yemen Ka Socday Uu Sii Xoogaystay

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay
ayaa lagu sheegay in dagaalka dalka Yemen uu
sii xoogeystay. Waxay warbixintu xustay in
tirada weerarrada diyaaradeed ee lixdii bilood
ee ugu horreysay sanadkan ay ka bateen
dhammaan weerarradii dhacay sanadkii 2016.
Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo – oo
reer-galbeedku ay hubeeyaan—ayaa taageera
dowladda Yemen, waxayna weerarro dhanka
cirka ah ku qaadaan mucaaradka. Mareykanka
ayaa sidoo kale beegsada dagaal-yahannada
al-Qaacidda ee koofurta Yemen. Dagaalka ayaa
waxaa ku dhintay kumannaan qof wuxuuna
yeeshay saameyn ba`an. Waxaa jirta khatar
ah in macluuli ay dhacdo.
Dhanka kale, tirada kiisaska looga shakisan
yahay cudurka daacuunka ee dalkaasi ayaa
gaartay 500,000, sida ay sheegeyso Hay`adda
Caafimaadka Aduunka (WHO).
Ugu yaraan 1,975 oo qof ayaa dhintay tan iyo
intii cudurka biyaha ka dhasha uu ku faafay
dalkaasi dhammaadkii bishii April. Cudurka ayaa si aad ah u fiday sababo la xiriira
nadaafad-darro ka dhalatay biyo la`aan ka jirta qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah.
In ka badan 14 milyan oo qof ayaan heysan biyo nadiif ah iyo faya-dhowr dalkaasi Yemen,
khashinkana sidii hore loogama guro magaalooyinka waaweyn ee dalkaa