telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane AXMED SIILAANYO Oo Markale Safar Shaqo Ugu Amba Baxay Isu Taga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane AXMED SIILAANYO Oo Markale Safar Shaqo Ugu Amba Baxay Isu Taga Imaaraadka Carabta

Warar xog ogaal ah oo soo if baxaya ayaa
waxay sheegayaan in madaxwayne Siilaanyo
uu mar kale safar ugu baxayo waddanka
Imaaraadka Carabta gaar ahaana magaalada
Dubai.
Xogahan oo ay noo sheegeen ilo wareeedyo u
dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland ayaa
waxa la filayaa in madaxwaynuhu todobaadkan
soo socda safar ugu baxo dalka Imaaraadka
Carabta uu hadda kasoo maqan yahay muddo
bil iyo dheeraad ah.
Ujeedada safarka madaxwaynaha ayaa ah mid
caafimaad,isaga oo halkaasi u tagaya kulan uu
la qaadanayo dhakhaatiir ay hore u kulmeen
oo u qabtay wakhtigan inuu kusoo laabto sida
la sheegay. Waxaana safarkiisa ku wahelinaya qoyskiisa iyo
xubno kamid ah golahiisa xukuumadda.
Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib
markii uu safar qaatay 28 cisho uu
madaxwayne Siilaanyo ugu maqnaa dalka
Imaaraadka Carabta,kan uu dib ugu noqonayana lama garanayo wakhtiga uu qaadan
doono inuu ku sugnaado dalka Imaaraadka Carabta