telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Deg-Deg Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka PUNTLAND Oo Soo Gaabiyey Safar Shaqo Oo Uu Debadaha Ku Marayey Maxaa Soo Kordhay

Deg-Deg Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka PUNTLAND Oo Soo Gaabiyey Safar Shaqo Oo Uu Debadaha Ku Marayey Maxaa Soo Kordhay

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng
CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa soo
gaabiyey safar uu ku joogay wadamada
gobalka qaarkood, isagoo si deg deg ah ugu
soo laabanaya magaalada Garoowe ee
caasumada Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ayaa socdaalkiisii ugu
horeeyey ku tagay dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti, waxaana u qorsheysnaa in uu booqdo
wadamo kala duwan oo Africa kuyaala, balse
hadda ayuu ku soo laabanaya magaalada
Garoowe. Warar hoose ayaa sheegaya in talaabadan ay
ka dambeysay dhaqdhaqaaqyada ay
Somaliland ku doonayso in ay Kaararka
Diwaangalinta uga bilowdo qeybo kamid ah
deegaanada Puntland.
Sidaas oo kale warar kale ayaa sheegaya in
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas uu hadda ku sii jeedo
gudashada waajibaadka Xajka, sidaas awgeed
ay qeyb tahay soo laabashada Madaxweyne kuxigeenka. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa kasoo jeeda
gobalada Sool & Cayn, waxaana meelahaasi ay ka mid yihiin goobaha ay marar faragalinta Ku Saameeyaan Ciidama Somaliland