telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Daawo Muuqaal+Sawirada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Gaadhay Magaalada HADAAFTIMO

Daawo Muuqaal+Sawirada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Gaadhay Magaalada HADAAFTIMO

Daawo Sawirada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Gaadhay Magaalada HADAAFTIMO

Guddoomiyaha KULMIYE oo Noqday Murrashaxii u Horreeyey ee Cagaha
Dhiga Magaalada Hadaaftimo ee Bariga Somaliland oo si Wayn Loogu soo
Dhaweeyey Hadaaftimo (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Weftiga uu
hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE,
ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday

murrashax Madaxweyne kii u horreeyey gaadha deegaanka Hadaaftimooo
hoos tagta Gobolka Badhan ee bariga Somaliland, isla markaana ah guriga
taariikhda saldannada Somaliland.
Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo ku guda jira socdaal la xidhiidha
wacyigelinta kaadh qaadashada gobollada Sanaag iyo Sool, ayaa maanta ka
hillaacay magaalada taariikhiga ah ee Hadaaftimo oo qiyaastii 90KM bari kaga
beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo si
aad u ballaadhan loogu soo dhaweeyey.
Booqashada weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ee Hadaaftinimo
oo ka dambeeyey casuumad rasmi ah oo uu u fidiyey Suldaanka guud ee
deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan
Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire, waxa Guddoomiye Muuse Biixi oo ay
wehelinayeen xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda oo qayb ka ah weftiga,
masuuliyiin iyo siyaasiyiin kaleba kala kulmeen deegaankaasi soo dhawayn
farxad galisay iyo hadhimo-sharafeed lagu maamuusay.
Soo dhawayn aanay u kala hadhin dadweynaha deegaannada Hadaaftimo oo
ay kumanaan qof oo rag iyo dumar ahi isugu soo baxeen meel qiyaastii
masaafo dhan 5KM ka baxsan Hadaaftimo iyo ilaa dariiqyada gudaha
magaalada, kuwaasoo iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga
KULMIYE soo bandhigay taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbulxaakimka
iyo xukuumaddiisa si qiimo badana u qaabilay weftiga
Guddoomiyaha KULMIYE, kadibna u galbiyey madaxda goob fagaare ah loo
diyaariyey in lagala hadlo dadweynaha reer Hadaaftimo.
Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid
Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire iyo Oday Sheekh
Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ahaa odayaashii horumoodka ka ahaa
shirarkii lagu aasaasay Qaranimada Somaliland iyo kuwii nabadaynta, ayaa
hadallo ay madasha ka jeediyeen si milgo iyo sharaf leh ugu soo dhaweeyey
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa,
waxaanay halkaasi ka caddeeyeen taageerada ay u hayaan inuu noqdo
madaxweynaha beddeli doona Madaxweynaha hadda xilka haya Md. Axmed
Maxamed Siilaanyo.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha
xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo taabanaysa
dhinacyo kala duwan sida nabadgalyada, horumarka, doorashooyinka, waxwadaqabsiga
iyo arrimo kale u jeediyey bulsho-waynta deegaanka